Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku booriyey dhamaan Suxufiyiinta iyo Warbaahinta magaalladda Gaalkacyo inaysan tebanin Warar iyo Warbixino sii ololin kara Colaadaha ka aloosan magaalladda Gaalkacyo.
War-Saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa lagu sheegay inuu Dareenkaasi yimid, kadib, markii qaar ka mid ah Idaacadaha FM-yadda ku yaalla dhinacyadda magaalladda Gaalkacyo qabtaan Doodo Idaacadeed iyo mid Telefishin oo looga hadlayo Colaadaha haatan ka socda magaalladda Gaalkacyo.
Qoraalka ayaa lagu xusay inaysan Doodahaasi ahayn kuwo khibrad ka muuqdaan, balse ay yihiin kuwo si fudud u sii kicin karaadagaalka iyo cadaawadda u dhexeysa labada dhinac ee ku dagaalamayso Gaalkacyo.
NUSOJ waxay ugu baaqeen dhamaan Warbaahinadda Madaxa Bannaan inay muujiyaan Dhexdhexaadnimo iyo Mas’uuliyad, isla markaana ay dhowraan Anshaxa Saxaafadda iyo Xeerarka Tifaftirka.
Dhinaca kale, waxaa muhiim ah inay Suxufiyiinta inay taxadar weyn muujiyaan mararka ay ka soo waramayaan Deegaanadda ay ka socdaan Colaadaha.
Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu waxay ugu baaqay dhamaan Suxufiyiinta inay muhiimadda koowaad siiyaan Ammaankooda, iskana ilaaliya goobaha ay khatarta kala kulmi karaan.
Sida lagu qeexay Hagaha Ammaanka ee Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ, waa inay Suxufiyiinta had iyo jeer muhiimad siiyaan Ammaankooda Gaarka ah, iyadoo aysan jirin Sheeko la qiimo ah Nolosha qofka Suxufiga.
©Radio Dalsan