Suxufiyiin ku xirnaa dalka Ivory Coast oo la sii daayey.

Lixda Saxafi ayaa lagu eedeeyey inay daabaceen warar ay ku sheegeen inay Ciiddanka Dowladda gadoodeen, kadib, markii ay waayeen Mushaarkooda.

Madaxa Ururka Suxufiyiinta ee dalkaasi, Muuse Taroore ayaa sheegay in Suxufiyiinta iyo Milkiilayaasha Warbaahinta la sii daayey, taasina ay tahay guul u soo hooyatay Saxaafadda Madaxa Bannaan.

Mid ka mid ah Suxufiyiinta la sii daayey oo lagu magacaabo Yacquuba Gabane, ahna Tifaftiraha Wargeyska maalinlaha ee Le Temps ayaa sheegay inay weli muteysan karaan in dacwad lagu soo oogo.

Garsooraha ayaa go’aan ka gaari doona haddii 6-da Saxafi la soo taagayo Maxkamad, inkastoo  ay ilo Warbaahineed sheegeen inaysan sidaasi jecleysan karin.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media