Donald Trump oo meesha ka saaray Dal u gaar ah Reer Falastiin.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay mar uu xalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netanyahu oo ay ka wada hadleen Xal-u-raadinta Xiisadda Falastiin iyo Yuhuudda.

Waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in la dhiso Labo Dowladood si xal loo gaaro, iyadoo ay Dowladihii Maraykanka iyo Beessha Caalamka muddo dheer ka go’nayd in la dhiso Labo Dal oo ay kala leeyihiin Falastiin iyo Yuhuudda.

Donald Trump waxa uu xusay inuu ka door bidi lahaa Xalka Hal Dal, haddii ay labada dhinac ku wada heshiiyaan, isagoo Yuhuudda ugu baaqay inay si KMG u joojiyaan Deegaamaynta ay ka wadaan dhulalka Falastiin.

Waxa kale uu sheegay inay Dowladiisa ka shaqeynayso sidii Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Tel Aviv loo soo wareejin doono magaalladda Qudus-ta La-haysto, isla markaana ay aad u danaynayaan arrintaasi.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa ka digay in la qaato Tallaabo kale, iyadoo u uxalku yahay in la dhiso Labo Dal oo ay Falastiin iyo YUhuud kala leeyihiin.

Isagoo booqasho ku jooga magaalladda Qaahira ayuu sheegay inay QM ka shaqeynayso sidii loo dhisi lahaa Laba Dal, taasi oo xal looga gaari karo xiisadda taagan.

Saraakiisha Falastiin ayaa iyagana ka digay qorshaha Maraykanka ku diidan yihiin xalka Falastiin inuu ku jiro dhismaha labada dal

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media