(XOG): Xasan Sheekh oo ku wajahan Turkiga iyo Tanzania marka uu xilka Madaxweynaha Wareejiyo.

Madaxweynihii hore ee DFS,  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa lagu wadaa inuu maanta Xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Munaasabadaasi ka dhici doonto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Xil-wareejinta kadib, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta kale ee isaga la shaqeynaysay waxay faarujin doonaan Villa Somalia, si ay taasi ugu gogol-xaarto in Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hawl bilaabo Villa Somalia.

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in Xasan Sheekh Maxamuud qorsheynayo inuu safar ugu ambabaxo dalka Tanzania ama Turkiga, si uu muddo 6 bilood ugu soo nasto.

Waxa uu la midoobi doonaan Qoyskiisa oo iyagu ku kala nool Turkiga iyo Tanzania.

Madixii ugu sarreeyey Xafiiska Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa isagana ku wajahan Maraykanka, halka Ku-xigeenkiisa la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu  laabto Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka “WFP” oo uu horey uga shaqeynayey in ka badan 10-sanno.

Madixii Hab-maamuuska ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana la sheegay inuu dib u degi doono dal ku yaalla Europe.

Madixii Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa isagana la sheegay inuu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Xilka Wareejinayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu 6 bilood kadib ku soo laabto dalka, maadaama uu yahay Xildhibaan tan iyo inta uu nool yahay, sida ku cad Qoddobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Madaxweynihii iyo Ra’isul-wasaarayaashii dalka soo maray waxay  intooda badan ku noolaadaan Dibedda marka uu Xilli-hawleedkoodu dhamaado.

Madaxweynihii ugu horreeyey Somalia, Allaha U Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan “Aadan Cadde” ayaana ahaa Madaxweynaha keliya ee markii uu xilka ka degay aan marnaba ka dhoofin dalka hooyo.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media