Suuqyada Magaalada Garoowe oo xiran iyo sababta keentay oo la shaaciyay

Waxaa Maanta oo Isniin ah gebi ahaan xiran Suuqyada waaweyn ee ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegayaan dad saakay tegay Suuqyada oo doonayay inay wax kasoo iibsadaan.

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Inji ee Garoowe ayaa sheegay inay Go’aan ku gaareen in Maanta aan la furin xarumaha Ganacsiga, kadib markii sicir barar ku yimid qiimaha lagu sarifo lacagaha qalaad.

1-kii Doolar ayaa Magaalada Garoowe waxaa la tilmaamay in lagu sarifayo 50,000 oo shilin soomaali ah, isla markaana arintaas oo dhibaato dhaqaale ku keentay Ganacsatada iyo shacabka Caasimadda Puntland.

Sidoo kale Sicir bararka ku yimid qiimaha lagu sarifo lacagaha qalaad oo gaaray meel adeg ayaa waxaa dhibaato ku qaba qoyska dantayar, iyagoona sheegay in Maanta ay soo wajahday caqabad.

Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ayaan weli wax warb ah kasoo saarin sicir bararka ku yimid qiimaha lagu sarifo lacagaha qalaad oo sababay in la xiyo Suuqyada Magaalada Garoowe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media