• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 6, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Awoodda Militari Liita Adduunka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 16, 2025
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
Soomaaliya oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Awoodda Militari Liita Adduunka
1.9k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 142-aad ee awoodda militariga adduunka, iyadoo ka mid noqotay dalalka ugu hooseeya qiimeynta sannadlaha ah ee Global Firepower Index 2025, taasoo lagu falanqeeyay awoodda ciidan ee 145 waddan. Dalka ayaa helay dhibcaha 4.2037, taasoo ka dhigan in uu ka sarreeyo saddex kaliya: Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qiimeyntan oo lagu saleeyay in ka badan 60 qodob — sida tirada ciidamada, tayada qalabka, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, juqraafiyadda iyo kheyraadka dabiiciga ah — ayaa muujisay in Soomaaliya wali la daalaa dhacdo dhanka dhismaha awood milatari oo la jaanqaadi karta dalalka kale ee gobolka.

Inkasta oo Maraykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo UK ay tababar iyo maalgelin siiyeen Soomaaliya, hadana horumarka ciidamada ayaa si weyn u xanniban sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo istaraatiijiyad amni oo aan mideysneyn.

Soomaaliya ayaa wali wajahaysa caqabado adag oo ay ka mid yihiin miisaaniyad aad u xaddidan, kala fogaanshaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo qalab yari curyaaminaya hawlgallada militari ee joogtada ah.

Itoobiya oo ah deriska Soomaaliya ayaa kaga jirta kaalinta 52-aad caalamka, iyadoo leh ciidamo tiro badan oo si fiican u qalabeysan. Kenya ayaa ku jirta kaalinta 83-aad, halka Jabuuti, inkastoo aan la qiimeyn sannadkan, ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ay u leedahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb, iyadoo martigelisa saldhigyo ciidan oo Maraykanku, Shiinuhu iyo Faransiisku leeyihiin.

Shanta waddan ee ugu ciidan adag Afrika waa Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya. Caalamka waxaa hogaaminaya Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, iyo Koonfur Kuuriya.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in kaalinta hoose ee Soomaaliya ay tahay digniin muujinaysa baahida loo qabo in dib u habeyn dhameystiran lagu sameeyo ciidamada dalka, si loo dhiso ciidan qaran oo mideysan, loo helo miisaaniyad joogto ah, iyo in la sameeyo hoggaan ciidan oo isku xiran.

Dadaallada lagu mideynayo ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa marar badan hakad galay, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer uu hor taagan yahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka.

Warbixin uu soo saaray Machadka ACCORD sanadkii 2022 ayaa uga digtay Soomaaliya in ay sii ku tiirsanaato gacan-shisheeye haddii aysan degdeg u sameyn dib-u-habeyn amniga ah oo qaranimo salka ku haya.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay in taageerada caalamiga ah ee hadda jirta aysan wax badan ka tari doonin haddii aan la helin hannaan dawladeed oo mideysan, iyo ciidan si rasmi ah u shaqeeya oo leh qalab, qorshe iyo hoggaan cad.

Previous Post

Maraykanka oo hoos u dhigaya safaaraddiisa Muqdisho, safaarado badanna xiraya

Next Post

Weerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post
Weerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Weerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka...

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Jimcihii shaaciyay inuu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta,...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia
English News

Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
  • Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
  • Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00