Soomaaliland oo Xabsiga dhigtay Abwaan Caan ka ah deegaanada Maamulkaas

Wararka laga helayo Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr oo ka mid ah Abwaaniinta ugu Caansan deegaanada Maamulkaas.

Lama oga sababta Ciidamadu u xireen Abwaanka oo sidoo kale ka mid ah qorayaasha deegaanada Soomaaliland,waxaana horay u jirtay in dhowr mar la xiray.

Qoraalo uu sameeyay ayaa dhowr mar loo xiray,balse dib laga soo daayay ayuu yiri mid ka mid ah abwaaninta ku nool Soomaaliland oo ka hadlayay xariga Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor