Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudka Lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay Soomaali badan ka soo gudbeen xuduudka, kuwaasi oo soo gaaray Rughta Caafimaadka ee ay Hay’adda MSF ku leedhaay Xeradda Dolo Caddo.
Dadka soo gaaray halkaasi oo isugu jira carruur, haween, rag iyo dad da’ ah ayaa sheegay inay safar dheer soo galeen, iyadoo uu qofkiiba gaariga ku soo raacayo lacag u dhiganta 50-Dollar.
Dadka soo qaxay waxay qaarkood sheegeen inay rasaas ka maqlayeen dhinaca xuduudka Kenya.
Xeradda Degmadda Dolo Caddo oo 150-KM u jirta Xuduudka Somalia waxaa haatan laga furay Xarun lagu qaabilayo dadka halkaasi soo gaara.
Xeradaasi oo muddo 10-sanno furan waxay hoy u tahay ilaa 240-kun oo Qaxooti, kuwaasi oo la dejiyey mid ka midah Xeryaha shanta ee ku yaalla Dolo caddo.
Dhinaca kale, Chris Eweillar oo ah Maareeyaha Hawlgalladda ee MSF ee Dolo caddo ayaa sheegay inay jiraan Qaxooti badan oo Soomaali ah oo si KMG u jooga eradda, halka kuwo badan dib ugu laabteen xuduudka Somalia, kadib,markii ay hoos u dhacday Abaartii iyo Ammaan La’aanta ka jirtay Xuduudka.
©Radio Dalsan