Faahfaahin: Ugu yaraan 15 qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Suuq ku yaalla Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu Duhurnimadii maanta ku qarxay bartamaha Suuqa Beerta ee Xaafadda Afisiyoone ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid aad u cuslaa, waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

Inta badan dadka ku geeriyooday qaraxaasi ayaa ahaa dadkii ka adeeganayey Suuqa iyo Ciiddan ku sugnaa Bar lagu baaro Gaadiidka isticmaala Jidka Afisiyooni.

Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ka argagaxeen khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, iyadoo hilbo dadeed iyo dhiig badan lagu arkayo halka u uka dhacay Qaraxaasi.

Gaadiidka Gurmadka ayaa lagu daabulay dadkii ay waxyeelladu soo gaartay, waxaana la hadal hayaa ilaa 20 qof inay ku geeriyootay Qaraxaasi, iyadoo dadka dhaawaca loo gudbiyey Isbitaallo ku yaalla Muqdisho.

Dhinaca kale, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Bishaar Abshir Geeddi ayaa u sheegay Saxaafadda inay Ciiddanka gacanta ku dhigeen Ninkii waday gaariga qarxay, waa sida uu hadalka u yiri.

Wararka qaarkood ayaa sheegayo inuu gaarigu qarxay, xilli ay Ciiddanku baarayeen gaarigaasi, mana kala cadda halka lala maaganaa qaraxaasi oo dhacay xilli uu Madaxweynaha ka qeyb galayey Munaasabad dib loogu furayey Dugsigii hore ee 21-ka Oktoobar oo aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.

suuqa-888 suuqa-beerta

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor