Hay’adda QM ugu qaabilsan Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegtay inay Tababar siiyeen 30 Sarkaal oo ka kala socotay Saraakiisha Boliska iyo kuwa Socdaalka ee ka hawlgala dhowr Deked oo ku yaalla Puntland.
Dadkaasi ayaa loo tababaray sidii looga hortegi lahaa Ganacsiga Tahriibinta dadka iyo Rabshadaha ku salaysan Jinsiga (Gender-based Violence (GBV)>
IMO waxay kaloo sheegtay in Saraakiishaasi loo tababaray Wacyi-gelinta arrimaha Tahriibka iyo Xadgudubyadda iyo sidii loo dabooli lahaa Baahida ay qabaan Dhibanayaasha.
Taliyaha Ciiddanka Dembi-baarista Boliska Puntland, Ibrahim Ali ayaa sheegay inay Saraakiisha ka faa’ideysteen Tababarkaasi iyo inay awoodi karaa inay kaalmo u fidiyaan Dhibanayaasha haysta caddaynta Soo-gelidda iyo ka-bixida Xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ee inta badan ay ka gudbaan Tahriibayaasha.
©Radio Dalsan