Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Qoraalkii shalay kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xiriirka muddooyiinkii u dambeeyay dhexmarayay Somaliland iyo Taiwan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin hanjabaadaha dowladda Federaalka ay ku heyso dowladaha xiriirka wanaagsan la leh Somaliland.
Qoraalka oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in fara-gelin siyaasadeed lagu sameeyo Arrimaha Dibadda Somaliland.
Sidoo kale Somaliland ayaa Dowladda Soomaaliya uga digtay inay soo joojiso hanjabaadaha ay u direyso dowladaha xiriirka la leh Maamulkaas.
Si kastaba Qoraalka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xilli War-saxaafadeed Shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya si weyn loogu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda.