Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Guutadaas oo ka howlgala Gobolka Hiiraan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Odawaa ayaa waxaa xilka Taliyaha Cusub ee Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad loogu Magacaabay Col. Maxamuud Xasan Ibraahin, isagoo bedelaya Taliyihii Guutada Col. Faraax Cali Waasuge Farax Kooshin.
Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa Taliye ku-xigeenka Guutada 5-aad u magacaabay G/dhexe Cabdullaahi Barre Cilmi, iyadoona xilka laga qaaday Abaanduulihii guutada G/Sare Maxamed Cabdi Xasan (Jeeri).
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Munaasabadda xilka loogu wareejinayo Saraakiisha Cusub, waxaana Maanta halkaas gaaray wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga dalka.