Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay cudurka halista ah ee Coronvirus, kadib markii Cudurka labadii maalin ee lasoo dhaafay laga baaray 300 qof.
Madaxa xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cudurka laga helay 16, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay, waxaana la geliyay xaalad karantiil ah.
Dadka laga helay COVID-19 oo isugu jira 10 rag ah iyo 6 haween ah ayaa ku kala sugan Goboladda Saaxil, Maroodi Jeex iyo Sool ee Somaliland, mana jiro wax dhimasho oo la shaaciyay.
Madaxa xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka ay ka bogsadeen 896 qof, isla markaana haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.
Ugu dambeyn Xuseen Maxamed ayaa shacabka ku sugan deegaanada Somaliland ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaana ay sameeyan wax kasta oo looga hortegi karo Cudurka COVID-19.