Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladda guud ee Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaas, xili maalmihii lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen kiisas Cusub oo ah COVID-19.
Madaxa waaxda xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in afartii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 529 qof, isla markaana 10 qof kamid ah dadkaas laga helay Cudurka.
Waxaa uu sheegay Madaxa xiriirka dadweynaha in aysan jirin qof Cudurka u geeriyootay saacadihii lasoo dhaafay, hayeeshee dadka helay oo isugu jira rag iyo dumar la geliyay xaalad karantiil, si dadka aysan u gaarsiin.
Tirada guud ee dadka xanuunkan laga baaray deegaanada Somaliland ayaa gaartay 8731 qof, waxaana laga helay 920 qof, halka ka bogsadeen 779 ruux, isla markaana waxaa halkaas Cudurka ugu geeroyooday 33 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka.
Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaciyay in Cudurka COVID-19 laga helay isaga iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, iyagoona ku sugan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.