Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo dhammaantood ah Wasiiro xilka siiyaha, iyagoona ka shaqeyn doona sidii ay u dhici laheyd munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dorraad xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, isagoo bedelaya Ra’iisul Wasaarhihii hore ee Xasan Cali Kheyre oo codka kalsoonida lagala noqday.
Madaxweynaha ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble in uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo musuqmaasuqa.