Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntalnd iyo kuwo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay qayb ka yihiin dagaalka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Qoraalka War-saxaafadeedka ee Somaliland oo looga jawaabayay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaaddaâ€
Sisoo kale Somaliland ayaa sheegtay in sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda ka jirta magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay tahay in ciidamada Puntland laga saaro Laascaanood
“Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan billowga dadaallada nabada.â€
Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa Somaliland ugu baaqday inay ciidankooda kala baxaan magaalada Laascaanood, si joojiyo Colaadda magaaladaas oo sababtay boqolaal qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalada.