Somaliland Oo Diiday In Deegaanadooda Ay Yimaadaan Qaxootiga Yamen Kasoo Cararaya

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in deeganadooda laga bilaabo Maanta Oo axad ah in aysan soo gaari karin qaxootiga soomaalida ay ku jiraan ee kasoo cararaya dagaalada Wadanka Yeman.

Cali Maxamed Waran Cadde ayaa Sababta ku sheegay in Hay’addaha QM iyo Soomalailand ay ku balameeyn in Qaxootigaasi Soomaaliland ay siiso Dhul lagu soo dhaweeyo waxii Quudin ahna ay Hay’addahaasi bixiyaan.

Waxaa uu carabka ku Adkeeyay in QM ay arintaasi ka dhaga adeegeen ayagana ay go’aankaasi gaareen waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

Hadalka Wasiirka  Arimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa imaanaya iyadoo maanta magaalada Berbera kasoo dageen xaqooti gaaraya 250 qof oo kasoo cararay dagaaladda Dalka Yeman.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor