Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo ka badbaaday dooni ku qalibantay Xeebaha Tunisia

Shan qof ayaa geeriyootay, 49 kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii ay dooni waday Tahriibayaal ku qalibantay Xeebaha Bariga ee dalka Tunisia.

Doonidaasi oo ka shiraacatay Dekedda Degmadda Monastir, ayaa la sheegay inay cillad la kulantay, xilli ay ku sii jeedeen Jesiiradda Lampedusa, oo masaafo ahaan 160-Km u jirta Dekedda Monastir ee Tunisia.

Sarkaal u hadlay Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay soo badbaadiyeen 49-Tahriibayaal u kala dhalatay dalalka Somalia, Eritrea, Sudan, Masar iyo Syria.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ka ambabaxa Xeebaha dalka Tunisia ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo inta badan Tahriibayaasha ku sugnaa dalka Libya ka soo carareen, kuna sugan yihiin dalka Tunisia.

Toddbaadkii hore ayey Maleeshiyadda Dowladda Libya ee aan Aqoonsiga Calaamiga haysanin bilaabeen Hawlgal ay ku raafayeen Tahriibayaasha shisheeyaha, oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ee qorsheynayey inay raacaan doonyaha ku sii jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga.

Xigasho:- www.middleeasteye.net

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor