Tallaabadan ayaa timid iyadoo Dowladda Kenya olole Taageero-doon ugu jirto sidii Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed Jibril loogu codeyn lahaa Xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.
Afhayeenka Aqalka Dowladda ee Kenya, Manoah Espisu ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii Kulan la isugu yeeray Danjirayaasha Kenya iyo Ergooyinka Sare ee ka jooga dalalka kale.
Afhayeenka ayaa tilmaamay inay Wafdiga ka yimid Somalia sheegeen inay Dowladda Somalia oggolaatay codsiga loogu codeyn doono Amina Maxamed.
Wuxuuna intaasi ku daray inay Somalia noqotay dalkii ugu horreeyey ee sameeya Ballanqaadkaasi Cod-bixinta.
Dhinaca kale, Madaxweyneah Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu Madax Afrikaan ah kala hadlay sidii ay codkooda u siin lahaayeen Amina Mohamed.
Doorashadda Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa in dabayaaqadda bisha Janaayo ee sannadka soo socda lagu doorto Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Guddoomiyaha xilligan ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika, taasi oo xilkaasi loo doortay bishii July 12-dii ee sannadkii 2012-kii.
©Radio Dalsan