Gudoomiyayaasha Degmooyinka Heliwaa iyo Waaberi ee Gobalka Banaadir ayaa gaaray Caasimadda Maamul-gobaleedka Galmudug ee Cadaado.
Labada Guddoomiye, Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” iyo Xaawo-kiin Maxamuud Cali ayaa la sheegay inay u tageen Cadaado si ay uga mid noqdaan Musharixiinta ku tartamaya xubnaha Galmudug ee uga mid noqon doono Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Labadaasi Guddoomiye oo deegaan ahaan ka soo jeeda Beelaha wada deggan Galgauuud waxay kulamo la leeyihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ku sugan magaalladda Cadaado.
Dhinaca kale, Ma kala cadda inay Guddoomiyayaashaasi fasax ka qaateen Maamulka Banaadir iyo inay dib ugu soo labaan doonaan Xilalkooda Guddoomiyenimo, haddii ay ku soo hungoobaan Musharaxnimadda xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
©Radio Dalsan