Somalia oo laga soomo saacadaha ugu yar Dunida Carabta

Iyadoo ay Bisha barakaysan ee Ramadaan foodda nagu soo hayso Insha Allaahu ayaa waxay Muslimiinta ku nool daafaha Caalamka soomaan saacado kala duwan.

Waddamadda Europe ayaana la sheegaa inay saacado badan soomaan.

Miisaal ahaan Koonfurta dalka Britain waxaa la sheegaa in la sooman yahay ku-dhawaad 16 saacadood ama in ka badan.

Marka la aado Waqooyiga Britain,  tusaale ahaan magaalladda Aberdeen oo in ka badan 500 miles Waqooyi kaga toosan magaalladda London waxa uu iftiinka maalmeedka dhamaadaa ku-dhawaad 18-saacadood inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, Waqooyiga Europe, gaar ahaan Waqooyiga Fog ee dalka Sweden, qorraxda waxaa laga yaabaa in maalintii oo dhan la arko dhowr saacadood, haddii aanba la arkin.

Degmadda Kiruna oo ku taalla Waqooyiga Sweden,marna qorraxda ma dhacdo bishan ilaa laga gaarayo bisha August.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Dalalka Carabta, waxa la sheegay in dalka Algeria oo ku yaalla Waqooyiga Afrika  laga soomo  xilliga ugu  dheer ee guud ahaan Waddamadda Carabta ee ku kala yaalla Qaaradda Afrika iyo Gacanka Carbeed.

Shaxda Waddamadda Carabta sida loogu soomo ayaa waxay muujinaysaa inuu dalka Somalia yahay Waddanka ugu saacadaha yar ee xilliga Soonka.

Waxaana laga soomaa 13 saacado iyo 20 daqiiqo.

Halkan ka dheeho Waddamadda Carabta iyo saacadaha laga soomo bisha Ramadaan:- 

SAACADAHA RAMADAANKA EE DALALKA CARABTA

qorrax

AFURKA

Xigasho:- المصري اليوم

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor