Lammaanayaashii ugu da’ weyn Caalamka oo is-guursaday

Jacaylka iyo calafka ayaa lagu tilmaamaa inay Halxiraale ku yihiin Nolosha Mucaashiqiin badan oo  uu waayuhu kala geeyey.

Waana hubanti in Jacaylka asaas u yahay nolosha, waana tii uu Abwaan Singub horey ugu yiri: Haddii aan jacayl jirin jagi lama ciyaareen, Haddii aan Jacayl jirin jaar lama ahaadeen…Haddii aan Jacayl jirin nabad laguma joogeen, Haddii aan Jacyl jirin Adduunyadda ma joogteen.

Yuusan ila tallax tegin Baabka Xusuusta Jacaylka, bal aan u gudubno Dhacdo Mar-la-arag ah, iyadoo ay dad da’da 90-aadka ka gudubay oo is-calmaday, isna guursaday.

Magaalladda Easr Bourne ee dalka Britain ayaa waxaa dhawaan ka dhacday Ixtifaal guur, iyadoo Caruusku da’diisa ahayd 103-jir, halka Caruusaddana ay 91-jir ku tukubayso.

Lamaanahaasi ayaana noqday Waayeelada ugu da’da weyn ee abid is-guursada.

George Kirby oo 103 jir iyo Doreen Lukie ayaa waxay ku nool yihiin Hotel dacasha ku haya xeebta Degmadda Eastbourne ee Koonfurta England.

Caruusadda waxaa loo xiray labis cad oo ubax bulug ah ku xardhan, halka Caruusadda oo horey Feer-yahan u ahaan jirey loo xiray Isku joog iyo Garabaati (suit and tie), waxaana lagu kaxeynayey gaari-gacan.

 

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor