Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Kharaj dhan  85,000 oo Dollar u gudbiyeen Hay’adda Bisha Cas ee Somalia iyo Hay’addaha Lanqeyrta Cas ee dalalka Kenya iyo Ethiopia, si Kharajkaasi loogu kaalmeeyo dadka ku macluulsan dalalkaasi.
Kharajka lagu wareejiyey Hay’dda Bisha Cas ee Somalia ayaa loo qoondeeyey in lagu quudiyo dad tiradoodu dhn yahay 77,352 qof oo ku nool Goballadda Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Singapore ayaa sheegtay in qoyskiiba loogu talagalay raashin ka kooban Galley, Bur, Digir iyo Saliidda Cuntada, kaasi oo ay quudan karaan ugu yaraan hal bil.
Dhinaca kale, Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Singapore ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dad lagu qiyaasay 1.45 million oo qof oo ku macluulsan dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia.
©Radio Dalsan