Madaxweynaha Iyo Rai’sul wasaaraha oo Xiran Tuutaha Ciidanka oo ka qeyb galaya Xuska 12 April

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa ka qeyb galaya munaasabada maalinta ciidanka xoogga oo sanad guuradii 57 aad ee aas aaska ciidanka Millatariga maanta u dabaal dagaya.

Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ayaa ku sugan xarunta wasaaradda gaashaandhigga, iyagoo xiran dharka tuutaha ciidanka, waxaana ay ka qeyb galayaan maamuuska maalintan oo ay ciidamada xoogga ugu dabaal dagayaan sanad guuradoodii 57 aaad ee laga soo wareegay markii la aas aasay ciidamadaas.

Maanta magaalada muqdisho, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga waxaa ka dhacayey xaflad weyn oo loogu dabaal dagayo qiimaha maalinta ciidanka xoogga ee 12 April.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media