• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

Ilhaan by Ilhaan
May 14, 2025
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
576
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa magaalada Nairobi si xawli ah uga socda kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen madax hore oo ka tirsaneyd dowladihii dalka soo maray, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda siyaasadda uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadan oo si gaar ah loo leeyahay ayaa waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya – Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) – iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in si qoto dheer looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo diiradda la saaray xasilooni darrada siyaasadeed, khilaafaadka isa soo taraya, iyo walaaca sii kordhaya ee bulshada iyo beesha caalamka ka qabaan jihada dalka u socdo.

Siyaasiyiinta kulanka ayaa si wadajir ah u muujiyay in ay ka walaacsan yihiin ficillada iyo hab-dhaqanka dowladda talada haysa, kuwaas oo ay sheegeen in ay dhaawacayaan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa bartiisa bulshada ku baahiyay qoraal uu ku xusay in dalka uu galay marxalad halis ah, islamarkaana loo baahan yahay xal qaran oo degdeg ah.

Waxaa sidoo kale kulanka laga soo saaray baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka, iyagoo ugu yeeray in la adkeeyo midnimada, la muujiyo isu tanaasul, islamarkaana la badbaadiyo jiritaanka iyo danta guud ee dalka.

Madaxda kulanka ka qaybgalay ayaa soo jeediyay in la bilaabo wadahadal qaran oo daahfuran, loona gudbo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda. Waxay xuseen in loo baahan yahay heshiis guud oo salka ku haya kalsooni dadweyne iyo wada-tashi qaran.

Kulamadan Nairobi ka socda ayaa loo arkaa kuwo horseedi kara isbedel siyaasadeed oo weyn, iyadoo mucaaradku uu u muuqdo mid isu diyaarinaya olole xooggan oo lagu muujinayo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Soomaaliya. Dhanka kalena, kulamadu waxay noqon karaan fursad lagu dhiso hannaan cusub oo siyaasadeed oo ku saleysan wada hadal, heshiis iyo hufnaan.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh“Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan”.

Next Post

Somali Police Arrest Criminal Gang Behind Killings and Robberies in Mogadishu; Deny Suicide Rumors of Security Officer

Ilhaan

Ilhaan

Related Posts

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Waxaa maanta si rasmi ah lagu soo xiray Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan...

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil...

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
  • Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
  • Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
  • Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00