Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee dalka kaasi ee uu ugu kuur galayay xaalada guud ee xabsiga dhexe.
Marka uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay waxaana sidoo kale ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta, waxuu taliska asluubta waxaana uu kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.
Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa waxaa todobaadyo kahor ka dhacay dagaal muddo socday oo u dhexeeyay Maxaabis ku jira xabsiga iyo Ciidanka ilaalada ka haayay halkaas, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dagaalkaas loo xiray 27 qof.