Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka oo Xoghaye Cusub doortay

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdeedu tahay 25/08/2020 waxay kulan Kula yeesheen Xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa:

1- Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn.

2- Doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyada, Maaliyadda Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xil. Jamaal Maxamed Xassan ayaa warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hay’adaha aan Dowliga Aheyn ahmiyada uu u lee yahay Dalka.

Ugu-danbeyn Guddiga ayaa u doortay Xil CabdiXakiin Macalin Axmed Maalin inuu noqdo Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media