War-saxaafadeed ay soo sartay Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Heather Nauert waxay faahfaahin ka bixisay Dib-u-furista Safaaradda Maraykanka ku lahaa magaalladda Muqdisho, taasi oo xirnayd tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii.
“Dhacdadan Taariikhiga waxay ka turjumaysaa Horumarka Somalia ee sannadihii la soo dhaafay iyo Tallaabo kale oo horey loogu qaaday Joogitaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka ee Muqdisho, tan iyo markii ay Maraykanka aqoonsadeen DFS sannadkii 2013-kii†ayey tirsan Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykankaa.
Waxay intaasi ku dartay in Dib-u-soo-laabashadooda Somalia muujinayso sida ay dowladda Maraykanka uga go’an tahay sidii horumar dheeraad ah looga samayn lahaa Deganaanshaha, Dimuqraadiyadda, Horumarinta Dhaqaalaha, waxayna hoosta ka xariiqday inay arrimahaasi ku jiraan Danaha Labada Qaran ee Somalia iyo Maraykanka, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale, Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Heather Nauert waxay qoraalkeeda ku sheegtay in Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Donald Yamamoto iyo Kooxdiisa ay si dhow ugala shaqeyn doonaan DFS iyo Ummadda soomaaliyeed sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wanaagsanaa ee u dhexeeya labada Waddan.
Madaxweyne George H.W. Bush oo dhawaan geeriyooday waxa uu booqasho ku yimid Muqdisho  bilowgii sannadkii 1992-kii, isagoo Munaasbada Dhalashadda sannadkaasi kala qeyb galay 20,000 Askar Maraykan oo uu u soo diray Somalia.
Ciiddankaasi waxay qeyb ka ahaayeen Hawlgalkii fashilmay ee Dib-u-soo-celinta Rajada “The Operation Restore Hope†waxa uu isku bedelay dagaal aad loogu riiqmay.
Sannadkii 1993-kii, 18 Askar Maraykan ah ayaa lagu dilay 2 Diyaarado Helikoptar ah oo lagu soo riday bartamaha magaalladda Muqdisho.
Dhacdadaasi waxaa laga sameey Filim caan baxay oo loogu magac daray Black Hawk Down.