Puntland oo Eedeyn kulul u jeedisay Dowladda Federaalka(War-Saxaafadeed)

War qoraal ah oo laga soo saaray Maanta oo Arbaco ah Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa Eedeyn kulul loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya,iyada oo lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Puntland.

Qoraalka oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa lagu sheegay in uusan xilligaan jirin khilaaf ka dhashay Magacaabista Madaxweynaha Puntland Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiiladda Puntland,isla markaana doorashada sida loogu talo galay ay ku dhaceyso.

Waxaa War-Saxaafadeedka sidoo kale lagu sheegay in wax khalqal ah aan la gelin Karin doorashada dhawaan ka dhaceysa Puntland,sidoo kalena guddiga khilaafaadka uu Shaqadiisa si wanaagsan u qabsan doono.

Akhriso War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor