Kulan dadweyne oo looga hadlayey Arrimaha ku gedaaman Doorashooyinka soo socda ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Dalsan Media iyo Hay’adda EISA ayaa iska kaashaday taabagelinta madashaasi oo lagu casuumay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhallinyaro, xubno magac ku leh bulshadda Rayidka iyo marti sharaf kale.
Kulanka aragti-wadaaga hanaanka Doorashooyinka oo xiiso gaar ah lahaa waxaa Mowduucii looga doodayey ahaa: “Xoojinta Hufnaanta iyo Ka-hortaga Khilaafaadka (Rabshadaha) ee Doorashaddaâ€.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS ee haatan sii shaqeeya oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu ku dheeraaday rajada laga qabo qabsoomida Doorashooyinka soo socda, hannaanka Ergooyinka beelaha ee xulashada Xildhibaanadda cusub ee labada Aqal Baarlamaanka iyo habraaca heshiiska Doorashooyinka.
Waxa uu tilmaamay in hoggaamiyayaasha Dowlad Gobaleedyada, Dowladda Federalka iyo Guddiyada loo soo xulay Doorashooyinka looga fadhiyo qabsoomida Doorashooyin ku dhaca Kalsooni, Xor iyo Xalaal.
“Marka la leeyahay Doorasho xalaal ah, wax badan oo xalaalayn oo meesha yaalla ayaa jira, iyadoo loo baahan yahay dhamaystirka wax badan oo asaasi ah, balse, Doorashadda magac kasta oo loogu yeero  waxaa laga rajeynayaa in la xoojiyo Doorashada Xorta ah†ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo ah Xildhibaan waayo-arag iyo waayo-u-joog u soo ahaa Taxanihii Doorashooyinkii ka dhacay dalka.
Waxa uu soo hadal-qaaday 101-da Ergada Beelaha ee soo xuli doono Murashixiinta, Â isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Ergooyinkaasi si xor iyo xalaal ku yimaadaan, waxna ku doortaan.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ayaa iyagana talooyin ka dhiibtay hanaanka Doorashooyinka iyo hiigsiga Mustaqbalka Qaranka, waxayna xuseen in loo baahan yahay in la dhowro kuraasta Haweenka ku leeyihiin labada Golle ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banadir, Jawaahir Baarqab waxay walaac ka muujisay kaalinta Haweenka ee Doorashadda iyo inay Doorashaddu ku dhacdo si caddaalad ku dhisan.
Guddoomiyaha Degmadda Warta-nabadda, Seynab Xaabsey waxay iyada doodeeda diirada ku saartay qaabka ay Dowlad gobaleedyada u wajihi doonaan Doorashooyinka soo socda.
Waxay sheegtay inay Madaxda Dowlad Gobaleedyada u muuqdaan kuwa isha ku haya inay Xidlhibano, iyaga taabacsan ku soo baxaan Doorashooyinka.
Dhanka kale, waxay tilmaamay in Doorashadda heerka Federal noqoto mid hufan oo daah-furan iyo in dad mas’uul oo Odayaal ah loo soo doorto Aqalka Sare ee BFS si ay si xilkasnimo leh u hagaan masiirka dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Ka-qeybagalayaasha kale ee ka aragti dhiibtay kulankaasi waxay dhamaantooda wada qireen in loo baahan yahay inay Doorashooyinka ku dhacaan Xilligii loo asteeyey, isla markaana ay noqdaan Doorashooyin xor iyo zlxalaal ah oo lagu kalsoon yahay, kana fog musuqa, ku-shubashada Codadka iyo wax is-daba marinta.