Ruushka oo isu diyaarinaya dagaalladii ugu Cuslaa  eek a dhanka ah Ukraine

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isu diyaarinayaan inay galaan “dagaalladii ugu cuslaa” ee ka dhaca gobolka istaraatiijiga ah ee koonfurta Kherson.

Ciidamada Ruushka ee ku sugan gobolka ayaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan todobaadyadii la soo dhaafay, ka dib markii ay la kulmeen weeraro ka socday dhinaca galbeed ee wabiga Dnipro.

Oleksiy Arestovych oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay sii xoojinayeen ciidamadooda, islaamarkana ay ku qasbayaan dadka rayidka ah inay halakaasi isaga baxaan.

Waxaa uu intaa ku daray in dagaalkan uu noqon doono midkii ugu adkaa. Caasimada gobolka Kherson ayaa ku jirtay gacanta ciidamada Ruushka tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee duullaanka Ukraine ay ku qaadeen 8 bilood ka hor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor