Siciid Deni “Muuse Biixi ayaa lagula Xisaabtami Colaadda Laascaanood’

Dowlad Goboleedka Puntand ayaa mar kale ka hadashay arrinta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo ay ku dagaalamaayan Ciidanka Millateriga Somaliland iyo xoogagga SSC.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  ayaa sheegay in Puntland aysan kujirin dagaalka Laascaanood.

Saciid Deni oo arrinta Laascaanood ka hadlaayay ayaa yiri ‘inkastoo Dastuurka Puntland ay ku qorantahay in Gobolka Sool  uu ka mid yahay Puntland haddana waxa aan ogolnahay in dadkaasi ay Aayahooda ka tashadaan”

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, lagula Xisaabtami colaada Laascaanood’

Horay Somaliland ayaa Puntland ugu eedaysay inay ku lug ledahay dagaalka Laascaanood, waxaana ay sheegtay in Ciidamo badan ay kusoo daabushay Magaalada, kuwaasi oo ka barbar dagaalaamaya Xoogagga SSC.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor