Somaliland oo mar kale eed culus ujedisay Maamulka Puntland

Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu qaaday fariisimada ciidamadeeda ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas ayay Xukuumadda Somalialnd tilmaamtay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudahaha Somaliland  ayaa lagu yiri “kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban  argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood”.

Somaliland ayaa intaa ku dartay in ay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen waxa ay ugu yeereen kooxaha isgarabsanaya.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland  ayaa lagu sheegay weerarkaas ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo  nabaddaynta Magaalada Laascaanood.

“Waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo  nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan”ayaa lagu yiri Qoraalka oo uu ku saxiixnaa  Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somalialnd.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor