Magaalada Garoowe waxaa gordhow ka furmay Shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaas oo la tashi lagala sameynayo xubnaha dowlad gobaleedyada u qaabilsan Dastuurka,Magaaladaas ayaa shalay waxaa gaaray gudiga Baalamaanka Soomaaliya u xilsaaran dib u eegista Dastuurka waxaana lagusoo bandhigi doonaa cutubyo dib loo ahbeeyay.
Mudooyinkii u dambeeyay Magaalooyinka dalka waxaa gaarayay Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo kan labada aqal waxaana ay la tashiyo la sameeynayeen Bulshada qeybaheeda kala duwan si KMG looga saaro Dastuurka dalka.
Munaasabaddaan ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya Xubnaha Maamul-gobaleedyada u qaabilsan la socodka dib u eegista Dastuurka iyo Gudiga madaxabanaan iyo ka labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan Dastuurka dib u habeyntiisa.