Waxaa magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka lagu soo gaba-gaboobeeyay shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u ahaayeen IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; Cilmi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa shirka ayaa sheegay in madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka ay la wadaageen dedaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda.
Sidoo kale Wasiirka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku tilmaamay in madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka u sheegeen sidii ay DF u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay saaxiibbada caalamka.
“Waxaa guul innoogu soo dhammaaday shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin IMF iyo Bangiga Adduunka. Natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ayaan kala kulannay” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka maaliyadda Xukuumadda ayaa sheegay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada oggol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee uu halkudhigiisu ahaa “Miiska-gorfeynta marxaladda Soomaaliya.