Qofkii ugu horreeyey oo Coronavirus ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus, sida uu sheega Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu yahay nin 58 sano jir ah oo aan safrin.

Soomaaliya waxaa ilaa haatan laga helay 8 kiis, waana qofkii ugu horreeyey ee cudurkan u dhintay.

Dawladdu faahfaahin kama bixin in ninkaasi uu fayraska qaadsiiyey dad kale.
Dawladda Soomaaliya ayaa 16-kii bishii maarso xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xilligaas sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Qofkaas ayaa markii dambe ka bogsooday xanuunka.

Dhinaca kale dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey waxbarashadii sannad dugsiyeedka 2019/2020 inta ka dhiman cudurka Coronavirus aawadeed.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ardayda lagu qiimayn doono heerkii ay waxbarashadu u maraysay markii iskuullada la xiray 19-kii bishii Maarso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media