RW Xamse oo kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Jarmalka oo ballan qaad sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa Maanta oo khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka ka dhan ah Al-shabaab ee dalka ka socda, sida lagu sheegay Qoraal laga soo saaray Xafiiska Xamse Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth ayaa waxaa shalay warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor