Wafdi ka socda IOM oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Xukuumadda Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ku qaabbilay Madaxa cusub ee howlgalka Soomaaliya ee hey’adda Socdaalka Adduunka IOM, Richard Danziger oo booqashadii ugu horreysay ku yimid Dalka.

Kulanka dhexmaray Wasiir Warfaa iyo Richard Danziger ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka , Taageerada Shaqo abuurka Dhallinyarada iyo Muwaadiinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay muwaadiniinta helaan hannaan u jiheynaya shaqooyin iyo taageero la isku haleyn karo” ayuu yiri Xil Saddiiq Xirsi Warfaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media