Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dad careysan ay Maanta banaanbax ka dhigeen Koonfurta Magalada Gaalkacyo.
Dadkaan banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay ka careysan yihiin Maxkamada Dowlad Goboleedka Puntland oo Xukun dil toogasho ah ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo la sheegay in uu yahay Ganacsade.
Banaanbaxayaasha ayaa isugu Haween iyo Carruur,waxaana ay xireen wadada dhex marta Bartamaha Magalada Gaalkacyo,iyaga oo ku gubay taayaro,taas oo keentay in isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay hakad galaan.
Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo dadka banaanbaxaya ay ka soo horjeedaan xukun dil toogasho ah oo lagu riday ayaa horay waxaa hooygiisa ugala baxay Ciidamo ka tirsan Puntland,waxaana lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.