Maanta oo tallaado ah ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa si rasmi ah uga furmayo Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax badan oo uu ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Nairobi.
Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Dadweynaha iyo Horumarka, iyagoona ka wada hadli doono qodobo muhiim ah.