Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ka dhacay duleedka Berbera

Wararka ka imaanaya duleedka magaaladda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay shil khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo laga helayo shilkaasi.

Wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in ay isku dhaceen Gaari bas ah isla Markaasn siday dad rakaab iyo Gaari yar oo nooca raaxada ah, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray dadkii saarnaa.

inta la xaqiijiyay 5 qof oo rakaabka ka mid ahaa ayaa ku dhintay, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana wararku intaa ku darayaan in gurmad loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi, iyadoo xaruumaha Caafimaadka la gaarsiiyay dad dhaawacyo culus qaba, kuwaasi oo laga dayrinayo xaaladooda Caafimaad.

Inta badan shilalka ka dhaca degaanadaas ayaa loo aaneeyaa bur-burka waddooyinka iyo wadayaasha gaadiidka kala duwan ee degaanadaas oo xawaare sare ku wada Gaadiidka, taasi oo sababta in ay dhacaan, shilal badan oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor