Madaxa Sirdoonka Masar oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Masar, Cabaas Kaamil waxa uu Maanta la kulmay RW Israel, Benjamin Netanyahu, iyagoo ka wada hadlay Iskaashiga Labada Waddan, Amniga, Siyaasadda, Xabbad-joojintii XAMAAS iyo Israel iyo Arrimaha Mandiqada.

Madaxa Sirdoonka Masar waxa u qorsheysan inuu Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim kula kulmi magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed, ka hor intabuusan u sii gudbin Qasa oo uu Hoggaamiyayaasha XAMAAS kula kulmi doono.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Gabi Ashkenozi waxa uu Maanta booqasho ku tegay Qaahira, isagoo la kulmay dhigiisa dalka Masar, Samiiix Shukri oo ay ka wada hadleen Xiriirka 2-da Waddan, Dib-u-dhiska Qasa iyo Qorshaha ay Israel iyo Dhaqdhaqaaqa XAMAAS isku weydaarsan doonaan Maxaabiista ay kala haystaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor