Shiinaha ayaa UK uga digay iney soo faragashato arrimaha Hong Kong gaar ahaanna sharciga ammaanka qaranka ee ay Beijing dooneyso iney ka hirgeliso Hong Kong.
Danjire Liu Xiaoming wuxuu sheegay baaqa ka soo yeeray UK ee ah iney dad ka badan 3 malyan oo Hong Kong ka soo jeeda ay sharciga UK siineyso ay tahay ‘Faragelin guud’.
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Dominic Raab ayaa eeddaasi ku gacan seydhay.
Kooxaha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaa sheegay sharcigan inuu meesha ka saarayo xorriyadda iyo xuquuqdi ismaamul ee ay Hong kong lahayd.
Mar sii horreysayna Joshua Wmog oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad ee u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Hong Kong wuxuu caalamka uu u diray codsi uu ku dalbanayo in qaddiyadda Hong Kong la garab istaago.
Danjire Liu wuxuu sheegay inuu rajeynayo UK iney ka laaban doonto mowqifka ay sharciga muwaaddinimada ku siineyso shacab badan oo Hong Kong ku nool.