Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka hadlay dagaal laba Maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaan hoostaga Magaalada Buuhuudle ee Gobolka Togdheer.
Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda ayaa Maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Horufadhi ugu baaqay inay si deg deg ah u joogaan dagaalka, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen inay ka xun yihiin Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Horufadhi, waxaana ay xuseen in muhiim ay tahay in labada dhinac ay kunoolaadan nabad.
Waxgaradka iyo Culimada ayay ugu baaqdeen inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa shuruud laโaan dagaalkii Maleeshiyo beeleedka dhexmaray, waxaana Xildhibaanada iyo Wasiirada ay tacsi u direen dadkii halkaas ku geeriyooday.
Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaanka Horufadhi ee Magaalada Buuhuudle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa kuย dhintay 4 ruux oo labada dhinac ah, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana socda dadaalo lagu joojinayo Colaada.