Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ciidanka gacanta kusoo dhigeen.
Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran, kadin markii ciidanka Nabadsugida Maamulka howlgalo balaaran bilihii lasoo dhaafay ka wadeen magaaladaasi iyo deegaanada hoos yimaada.
Sidoo kale Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Al-Shabaab u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha sakawaadka iyo jabhada.
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee deeganada Koonfur Galbeed.
Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano kamid ahaa Shabaabka, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jireynagaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey sharciga.