• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Sheeko Taxane Ah): XUSUUSTII XAYAAT

Bilan Media by Bilan Media
April 17, 2017
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
33
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Qeybtii 1-aad

Bartamihii Sannadkii 2003-tii ayey ahayd. Madashuna waa Magaalladda Muqdisho oo xilligaasi ay ka jireen dagaallo iyo dhac hubeysan.
Xilligaasi Qof kasta oo Reer Muqdisho wey saamaysay amni-darrdda, waxaana iska caadi noqotay in la arko dhacdooyin laga argagaxo oo isugu jira dhoisbaarooyin dilal, dhac, kufsi, jirdil iyo kuwo ka sii naxdin badan.
Gaari Bas ah oo rakaab waday kana yimid Xaafadda Suuqa Xoolaha, ayaa waxaa mar qura si kedis ah  lagu joojiyey bar isbaaro oo kooxo hubeysan dhigteen meel ku dhow Wershaddii Baastadda.
Rakaabkii naxdin baa la soo kodoshay, oo qof kasta sidii baraf meel bcad la dhigay oo kale ayuu u shiilmay.
Wiil yar oo da’da 16-aadka ayaa albaabka gaariga soo istaagay, kadibna intuu qorigiisa AK47 oo u garaarsanaa u furtay ammanka, ayuu farta saaray keebka. Si jeesjees ah ayuu Rakaabkii ugu yiri:- ‘Qof kasta ha soo dego’.
Guux cabsiyadeed iyo inuu qof kasta Towxiidka iyo Wardiga afka ku qabsado ayey Rakaabkii bilaabeen, iyadoo uu Kirishboygiina la doodayo Dableydii kale ee Isbaaradda u taallay.
Rakaabkii waxaa laga wada xuubsaday Telefoonaddii, Lacagihii, Dahabkii, Saacadihii iyo  wax kasta oo nacfi-gal ah oo ay wateen, kadibna Rakaabkii iyagoo anfriirsan ayaa lagu amray inay dib u raacaan Baskii laga soo dejiyey.
Hooyo Waayeel oo ay dableydii ka qaateen kharaj yar oo ay faraqa diraceeda ugu jiray, ayaa ku calaacashay:- ‘Waan idin baryayaa ii dhaaf lacagta, waxaan ku korsadaa ciyaal agoon ah’. Laakiin looma jixinjixin oo waxaa lagu yiri:- ‘Duqda claclka nagala tag, Annagaba Isbaaradda waxaan u dhiganay si aan ugu biilno ciyaalka ay ka dhinteen Saaxiibadeenna halkan joogi jirtey’.
Baskii markii uu in cabaar ah socday, ayaa waxa bilaabantay dood iyo inay Darewlka iyo Kirishboyga ku eedeeyaan inay wax ka ogaayeen Isbaaradda. Laakiinse, Dareewalkii ayaa ku qanciyey in Kirishboyga laga fara maroojiyey lacagihii ay ilaa iyo saakayto shaqeynayeen.
Wiil dhallinyarro ah oo  wax ka fadhiyey Kuraasta dambe ee Baska ayaa  waxa uu hoostiisa ka helay Telefoon-gacmeed oo malaha qof rakaabka ka mid ah ka dhacay intii aysan Maleeshiyadda ku amrin Rakaabka inay ka soo wada deggaan Baska.
Waxa uu cod la maqli karo ku yiri:- ‘Alaab baadi ah ayaan halkan ka helay, yey ka maqan yihiin?’. Qof kasta oo rakaabka ka mid ah ayaa hadalkaasi dareen geliyey, wuxuuna qof kasta bilaabay inuu dib jeebabkiisa u baaro.
Ninkii Dhallinyarradda ahaa waxa uu waayey qof sheegta  Alaabta baadida uu hayo, wuxuuna markii dambe yiri:- ‘Yuu Mobaylka ka maqan yahay?’.
Gabar fadhiday Kurs u dhow, ayaa la soo booday:- ‘Walaal, anigaa iska leh Mobaylkaasi’. Wuxuu u sii raaciyey sheeg noociisa iyo Lambarka SIM Cardka kuugu jiro?’.
Gabadhii oo malaha baqdin iyo xishood ka qaaday rakaabka oo iyada soo wada eegay, ayaa waxay la soo baxday warqad, kuna qortay Nooca  Mobaylkeeda iyo Lambarka Telkeeda, kadibna waxay u dhiibtay wiilkii hayey Mobaylkii baadida ahaa.
Intuu warqaddii akhriyey,ayuu garwaaqsatay inay gabadha  tahay qofka leh Mobaylka, oo ay run sheegayso, wuxuuna isagoo madaxa ruxayo la soo baxay Mobayl uu watay, kadibna waxa uu garaacay Lambarka warqadda ku qornaa.
Wuxuuna ku yiri:- ‘Iga raalli noqo Lambarkaaga tijaabinayaa, waxana Ilbiriqsiyo kadib, sharqamay Telkii baadida ahaa.
Gabadhii waxay maqashay shanqarta muusikadda Telkeeda, kadibna waxay dib u milicsatay wiilkii hayey Telkii. Intuu u dhoola-caddeeyey, ayuu ku yiri:- ‘Abaayo, Hoo Mobaylkaaga, waxaan hubinayey inuu kaaga yahay iyo in kale.
Wiilkii dhallinyarradda ahaa waxa uu dib u akhriyey nidaamka ay Warqaddii u qornayd, wuxuuna la dhacay Erayadaha Asluubaysan ee ay ku soo qortay, waxaana naftiisa galay damac iyo inuu isweydiiyo haddii uu fursad kale u helayo inuu gabadhaasi la sii hadlo.
Kirishboygii Baska ayaa bilaabay inuu Rakaabkii ka ururiyo Lacagihii nooliga ahaa, laakiinse waxay badankooda haayeen kuwo xitaa aan haysanin kharajkii yaraa ee lagu raacayey Basaska ka shaqeeya  Suuqa Xoolaha ilaa Bakaaraha.
Guux iyo dood baa dhex martay Kirishboyga iyo rkaabka aan lacagta haysanin, laakiinse, Gabadhii Mobaylka ka lumay heshay ayaa ku tiri:- ‘Kirishboy, ha ku qeylinin dadka, waa og tahay in Maleeshiyo na soo baaratay, ee xisaabo lacagaha tayda, tan wiilkaasi iyo afarta rakaab ee aad kula dagaalamayso lacagaha baska’.

=WAA SOCOTAA =

©Radio Dalsan

Previous Post

(SAWIRO): Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, Xildhibaano iyo Fannaan booqday Degmadda Dayniile.

Next Post

(SAWIRO): 5 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku dul burburtay caasimadda dalka Portuqal.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Next Post

(SAWIRO): 5 qof oo ku geeriyootay Diyaarad ku dul burburtay caasimadda dalka Portuqal.

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

by Liban
July 19, 2025
0

Muqdisho - In a diplomatic move signaling deeper regional ties, Somalia’s Prime Minister Hamsa Abdi Barre welcomed Ambassador Abdalla Al-Otaibi, the Arab League’s...

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301...

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo...

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
English News

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination
English News

Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland
English News

Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
  • Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
  • Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
  • Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00