Waxaa Maanta oo khamiis ah Isbitaal ku yaalla Magaalada Heydarabad ee dalka Hindiya ku geeriyootay Sanatar hore Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ahayd Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Marxuumad Jawaahir Axmed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Magaalada Heydarabad oo Maanta xanuunkii haayay ay ugu geeriyootay halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdeeda Caafimaad.
Geerida Senator hore Jawaahir Axmed ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladeeda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana geerida ka tacsiyeeyay Xildhibaano ka tirsna labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ka mid aheyd Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhawaan xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya oo ay Maanta ku dhimatay.