Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah Xafiiskiisa kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo DFS, wuxuuna Rooble uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber, iyagoona ka wada hadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, tababarada Ciidamada, Amniga iyo shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka.