Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa Maanta Magalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Magaalada Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Sharciga iyo Cadaaladda Mudane Alexendre Zouev.
Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen iskaashiga sarraynta sharciga, horumarinta Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Nidaamka Cadaaladda.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Sharciga iyo Cadaaladda Mudane Alexendre Zouev ayaa balan qaaday uu si dhow ula Shaqeyn doono Xeer ilaalinta Qaranka.