Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Taliyayaasha Booliska,Nabadsugida iyo Asluubta ayaa xalay kormeer Shaqo waxa ay ku tageen koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka iyo taliyayaasha waxaa kormeerkooda ku wehlinayay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ku xigeenkiisa dhanka Amniga iyo Siyaasada iyo masuliyiin kale.
Masuuliyiintaan ayaa waxa ay marka hore tageen Koontoroolka Xerada Maslax ee degmada Hurwaa,halkaas oo ay Gaadiidka ku baaraan ciidamada dowladda,waxa ayna warbixino ka dhageysteen Saraakiisha Ciidamada.
Sidoo kale Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiinta la socotay waxa ay tageen Koontoroolka siinka-dheer oo iyana ay Gaadiidka ku baaraan ciidamada dowladda,isl markaana dhowr mar ay ka dhaceyn qaraxyo ismiidaamin ah.
Taliyayaasha ciidamada ee deegaanka Siinka-dheer ayay warbixino dhanka amniga ah la xiriira ka dhageysteen waxa ayna kula dardaarmeen in ay siilaba jibaaraan sugida amniga iyo abaritaanada lagu sameeyo Gaadiidkas oo galaya Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kormeerka Masรขโฌโขuuliyiinta.